12″ April “2022” Muqdisho
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya lagu qabtay labo sano kadib Munaasadda 12-ka April waana xiligii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taas oo kasoo wareegatay 62 sano.
Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyihii Golalaha Shacabka ee baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee RW Rooble, Xildhibaano ka tirsan labada aqal, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Saraakiil, Saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga, kuwa Booliska Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inuu u hambalyeenayo Ciidanka Xoogga dalk壯陽藥 a Soomaaliyeed guud ahaan iyo qoysaskooda, Isagoo munaasabadaan ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Sare sidii ay usoo agaasimeyn Munaasabadda 12-ka April iyo sida wanagsan ay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ugu soo celiyeen bilicdeeda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si kooban ugu hadlay taariikhda aas aaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aas aaska Ciidanka Xoogga ee 12-kii April sanadkii 1960-kii uu hoggaaminayay sidoo kale uu aas aase u ahaa Allah ha Unaxaristee Gen Daa’uud Cabdulle Xersi kuwaas oo muddo soddon sano gudahooda gaaray meel aad u sarreysa oo laga ixtiraamo caalamka iyo guud ahaan Afrika.
Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Generaalka uu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ku dhisay labo urur, 8 horin ayuu ku bilaabay kuwaas oo aan qibrad dheer u lahayn qibrad difaac oo badankooda ka yimid booliis oo aan tababar dheeraad ah heysan, isagoo xusay in Ciidankaas aysan heysan qalab dhaqaalaba iskadaa, balse waxay heysteen wax intaas ka wanagsan oo ah Caqiido ama Wadaniyad.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in 30 sano kadib markii laga leexday mabaadiidii ee uu udub dhexaadka u ahaa Alle ha unaxaristee Gen Daa’uud oo loo gudbay wax laga soo tagay oo ay ka adkaadeen Ururkii gobanimo doonka ee SYL kaas oo ah qabiil, isagoo xusay in intaa kadib ay dhaceen qalbi jab iyo qaran jab taas oo ah meesha ugu hooseysa.