8″ February 2022″ By/ Elmi O Farah
Madaxweynaha mudo,xileedkiisu dhamaaday maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa u dabaaldagay mid ka mid ah labadii sano ee uu kororsaday intii aaney ku qasbin in uu ka laabto dagaal dhiig ku daatay oo muqdisho dhacay,
Dagaalka ka dhshay mudo kororsiga ayaa sdoo kale farmaajo saaray cadaadis keenay In doorashada iyo amniga uu ku wareejiyo Rooble
Balse sanad ka dib Farmaajo waxa uu ka sugayaa Rooble hogaan la soo doortay oo uu ku wareejiyo xaafiiska madaxtinimada dalka Sidii dhacday markii Isagaba lagu wareejinayay 5 sano ka hor.
Inagoo u soo laaban doona damaca kursi jacayl ee hortaagan Doorashadii la filayay aynu eegno Farmaajo iyo waxa uu ka dhaxlay Dowladii ka horeeysay
- Dowlad aan Gacata ku wada hayn dalka oo dhan ,
- Dowlad aan lahayn Dastuur qoran oo laysku raacsan yahay”
- Dowlad Qayb ka mid ah ay ku doodayso in ay Iskeed u go,day”
- Dowlad ay ku hareereeysan tahay Argagixso Iyo Amni daro a
MUXUU KA BADALAY ?
Waxa cusub ee Farmaajo uu ku soo kordhiyayay Intii uu ka dhaxlay Xasan shiiq waxa ay tahay oo kaliya in uu sii adkeeyo habkii doorsho ee uu ku yimid Isaga laf,ahaantiisa taas oo ahayd nidaam dhaliyay isku wareejinta talada dalka si,nabdoon
Habkii doorasho ee dowaladii xasan shiiq oo looga sii daray ayuu ku guudareeystay in dalka u dhaqaajiyo farmaajo oo dadka qaar ay ka rumeeysan yihiin inaanu dooneeyn habe yaratee in lagu soo hadalqaado wax doorasho u eg sidaas ooy tahay waqti aan ka badneeyn 4 bilood markii ay ka harsan tahay mudo xileedkiisii farmaajo waxa uu bilaabay in uu yiraahdo waxaan qabanayaa Doorasho qof & cod ah hadaba qiyaas maaamul qaban waayay doorasho dadaban sida ay ugu sahlanaan karto Doorasho iyo Qof Cod ah
Farmaajo iyo Xasan Cali khayre ayaa banaanka soo dhigay qilaaf ay in mudo ah qarinayeen oo ku saabsan qaabka doorasho ee ay tahay in dalku uu aado
Xasan cail khayre oo noqday rasilwasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee somalia ayay u cuntami weeysay in dalka la galiyo doorasho macmal ah oo sababi karta dagaaal keena in talada laysgu qabsado sida ka dhacay dalka Ethiopia
Rididii Khayre waxaa la dhihi karaa waxay ahayd Rajadii Somalia oo durgtay markii Xasan Cali khayre uu Albaabka maamulka xafiiska Raysilwasaaranimada ka baxay Isaga oo ku qaylinaya dalka yaan dib loo celin waxaa
Inkastoo ay ka dhac,dhaceen qaladaad intii uu xilka hayay hadana ugu danbayntii waxa uu muujiyay laxawga uu dalkiisa u qabo tiiyoo Riditaankiisa loo adeegsaday gacma shisheeye haba ugu horeeysee Dowlada Qatar
MARIN HABAABIN KA DHIGNEEYD DIBINDAABYO QARAN
Dhinaca somalia ayay Suurtagal ka noqon weeysay meelmarinta Qorshaha uu jeexay Hogaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki Isaga oo Arintaas ku qanciyay Abiy iyo Farmaajo
Qabashada Dorasho Qof & Cod ah oo uu farmaajo halhays ka dhigtay mudooyinkaas ayaa kaaga filan baaxada heerka uu gaarsiisnaa sameeynta Ficil dusha sare ka shaabaha doorasho Dimoqoraadi ah gudahana ka ah talaabo xukun boob ah ayay somalia Ku sigatay in uu u horseedo dagaalo sokeeye oo dib loogu laabto
Xasuuqii baydhabo ,& Xarigii Muqtaar Rooboow oo uu Xoog u Adeegsady Abiy Ayaa ka dhigneeyd Is,xulufeeysi loogu gogol xaarayay xukuumado kalitails ah oo Is,ilaaliya in ay ka hana qaadaan Geeska Africa
Waxaa si taas loo hirgaliyo lagu bilaabay Isku darsiga ciidamo Ayuuto ah oo dowlada Qatar loogu soo daray in ay u isticmaasho ( BLACK WATER )sidii calooshood u shaqaystayaal ilaaliya danaha gobolka Geeska Africa ay Qatar ka leedahay iyadoo taas ku badalaneeysa Bixinta qarashka ciidamada
Somalia qorshahaas kuma waayin oo kaliya hayaankii dowladniada Iyo dimoqoraadiyadeedii soo taxneeyd tan iyo shirkii carte ee waxa kaloo kaga maqan dhqlinyaro wali ku jiray dugsiyada sare oo si, Qiyaano ah loo askareeyay kuwaas oo walidiintoodu aysan kala joojin baroorta iyo oohinta tan iyo markii ay soo baxeen warbixino xaqiijiaya in ubadkoodii laga qaybgaliyay dagaalka ka socda gudaha Ethiopia
FARMAAJO & ROOBLE IYO KAAALINTA UU MID WALBA KU LEEYAHAY DAMACA HORTAAGAN DOORASHADII SOOMAALIYA
Xiriirkii Rooble iyo Farmaajo ee mar wanaagsanaa, ayaa sii xumaanayay tan iyo bishii May markii uu madaxweynuhu u xil saaray ra’iisul wasaaraha arrimaha doorashooyinka
Rooble ayaa aqbalay kaddib markii ciidamo xiriir la leh xubno mucaaradka ka tirsan sida madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed uu iska hor imaad dhex maray ciidamo kale oo taageersan Farmaajo.
Xubno taageersan madaxweynaha oo aqalka hoose ka tirsan ayaa ansixiyay in muddo labo sano ah uu madaxweynuhu sii hayo xilka, atas oo uu ka dhashay muran.
Kaddib isku dhacyadaas, madaxweynaha ayaa mas’uuliyadda doorashooyinka u dhiibay Rooble.
Si kastaba, ICG waxay tilmaamtay in “sida ay haatan xaaladdu tahay ay keentay cabsi ah in ciidamada kala taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu isku dhac dhex maro taas oo saameyn ku yeelan karta hannaanka doorashada.”
Ciidamadii “tababarka loogu diray Eritrea” iyo Ikraan Tahliil ooy BBC wax ka qortay xiligaas
Hay’adda ayaa sheegtay in Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda NISA “ay suuragal ahayd in laga cabsi qabay inay fashili doonto ciidamadii muranka uu ka dhashay ee ay Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea, sannadkii 2019”.
Dowladda Soomaaliya ayaan faahfaahin badan ka bixinin arrintaas, waxaana jiray guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray si ay u baaraan cabashada waalidiinta.
“Inta badan ciidamadaasna kuma aysan soo laaban Soomaaliya”, ayey tiri hay’adda Xasaradaha Caalamka. “Taas waxay sababtay in qoysaskooda ay dalbadaan in war laga siiyo halka ay ku sugan yihiin.
Waxaa horey u soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegayay in ciidamadaas Soomaalida ah la geeyay furinta hore ee dagaalka Itoobiya ee gobolka Tigray.
“Arrintan ayaa maamulka Farmaajo ku noqotay xasarad siyaasadeed. Inkastoo ciidamo Soomaali ah tababar loogu diri jiray dibadda, sida Turkiga, haddana tan Eritrea ma ahayn mid la ogaa,” ayaa ku xusan qoraalka ICG.
Qoysaska waxay sheegeen in aysan wax war ah ka helin carruurtooda. Qoysaskaas ayaa dhigay dhowr dibadbadyo ay ku dalbanayaan in faahfaahin dheeraad ah laga siiyo tababarka
Dhex dhexaadin
Waxaa durba billowday dhexdhexaadin taas oo aan miro dhalin noqonin.
ICG waxay tiri: “Ku xigeenka afhayeenka aqalka hoose Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa 7-dii bishan isku dayay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uusl, balse wuu ku guul darreystay.”
Hay’adda ayaa sheegtay in markii hore uu madaxweynuhu oggolaaday xil ka qaadista agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, isla markaana uu xitaa la kulmay ninkii lagu beddelay ee Bashiir Goobe, balse “uu ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin in meesha laga saaro baaritaanka kiiska Ikraan”, waa sida ku xusan qoraalka hay’adda Xarasadaha Caalamiga ah.
Gaabiska Doorashada oo Noqotay Saameyntii ka dhalatay Khilaafka
“Xasaraddan ugu dambeysa ayaa sharraxaad ka bixineysa xaaladda Soomaaliya ee qasan. Wixii ka dhex dhacay NISA iyo isku dhacyadii bishii April ayaa muujinaya in labada mas’uul ay weli kala taagan yihiin mowqifyo kala fog,” ayey hay’adda sheegtay.
Mid ka mid ah dadka ay aadka isugu dhow yihiin Rooble ayaa Hay’adda Xasaradaha Adduunka u sheegay in khilaafka “aanan la xallin karin”.
Dadaal kale oo dhexdhexaadin ah oo ay horkacayeen madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koofur-galbeed oo 11-kii bishan dhex maray Farmaajo iyo Rooble ayaa ku soo dhammaaday is afgarad la’aan.
James Swan oo Arbacadi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya wuxuu sheegay inuu bogaadinayo dadaallada billowga ah ee socdo oo lagu doonayo in lagu dhaqaajiyo doorashada golaha wakiillada shacabka.
Iyada oo James Swan xilliga uu warbixinta soo jeedinayey ay madasha ku wehliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee 壯陽藥 Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Marwo Caasha Siyaad oo u ololeysaa sidii ay haweenka qoondadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka.
ICG waxay warbixinta ku tiri: “Khatarta waa mid aad u sarreysa” iyadoo ay taasi “rabshado u horseedi karto dalka”.
Hay’adda ayaa warbixinteeda intaas ku dartay in labada dhinac ay “ciidamada la kala safan la hadleen durba.”
ICG waxay ka digeysaa “tallaabooyinka xiga ee labada dhinac ka imaan kara ay sii xumeyn kara xaaladda.”
“Dadka qaar ayaa ka walaacsan in laga yaabo in madaxweynaha uu ka codsado guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan, oo ay isku dhow yihiin inuu keeno mooshin xilka looga qaadayo Rooble,” ayaa ku xusan qoraalka.
Hay’adda ayaa sheegtay in taasi ay saameyn balalaran ku yeelan doonto u diyaar garowga doorashada.
Sidoo kale waxay “tallaabadaas keeni karta arrimo dhanka sharciga ah, maaddaama baarlamaanka ay muddo-xileedkiisa ku ekeyd bishii December 2020.”
“Rooble ayaa la yimid qorshooyin lagu xakameynayo dhaqaalaha dowladda, wuxuuna amray in aan wax lacag ah laga bixin karin bankiga dhexe, iyadoo aan isaga fasax laga heysan.”
Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee ICG, ayaa warbixin ay soo saartay kaga hadashay xaaladda Soomaaliya iyo dhibaatooyinka laga dhaxli karo khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble
Ka dib dilkii ay dowladdu sheegtay in loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda nabadsugidda, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa labaduba agaasime cusub u magacaabay madaxa hay’adda.
Iyadoo arrintaas tusaale u soo qaadatay, hay’adda ICG waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay il gaar ah ku eegaan kooxaha ay sheegtay inay fowdo ka wadaan dalka, ayna ku hanjabaan cunaqabateyn.
Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG, ayaa ugu baaqday labada dhinac in ay dib uga degaan halka ay joogaan.
“Intii ay raadin lahaayeen arrimo sii kala fogeeya, waa in ay diiradda saaraan dhammeystirka arrimaha doorashooyinka,” ayey tiri ICG.
Hay’adda ayaa ku baaqeysa in “madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa aysan isku dayin in ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Rooble, si aysan taas u carqaladeynin arrimaha doorashada.”
Mucaaradka qaarkood ayaa aaminaad u muujiyay Rooble. In laga takhalusana waxay hay’adda ku tilmaamtay “in ay sii fogeyn karto mucaaradka ayna saameyn ku yeelan karto heshiiskii doorashada laga gaaray.”
Waxay madaxweynaha ugu baaqday inuu ku dhegganaado ballaanqaadkiisii hore ee ahaa inuu Ra’iisul Wasaaraha uu ku wareejiyay maamulka doorashada, iyo in “uu oggolaado ninka uu Rooble u magacaabay NISA”.
Waxay sidoo kale Rooble ugu baaqdeen inuu dirradda saaro dardar gelinta doorashada uuna ka dhigo muhiimadda koowaad.
Waxay ugu dambeyn ku baaqday in la sii wado dadaallada xalka loogu helayo khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo haatan meel xun maraya
Beesha Caalamka oo Shuruud Adag Ku Xirtay Bixinta Dhaqaalihii Ay Ugu Talagashay Doorashada Soomaaliya
Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera ayaa shuruud adag ku xirtay dhaqaalaha ay Soomaaliya ku kabto, gaar ahaan dhaqaalaha loo qorsheyay doorashooyinka ee horay ay Beesha Caalamku u ballan qaadday in Soomaaliya ay siin doonto, si loogu qabto doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Qaraallo loo diray Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed ayaa waxaa shuruud ay ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.
Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo qoraalka diray ayaa waxaa ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed.
Waxaana sidoo kale ay intaa ku dareen in lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe, si ay doorashadu u noqoto mid la isku halleyn karo, lana taageeri karo.
Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada, Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal
La SocoSoco Qaybta 3 aad