Farmaajo iyo Haysashada Passpor kale:

3″ May “2021” Bbc

Waxay ahayd 1-dii bishii Ogos ee sannadkii 2019-kii markii Villa Somaliya ay baahisay xogta ah in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyey dhalashadii uu ka haystay dalka Maraykanka, iyaga oo sheegay in si iskii ah uu u go’aansaday.

Waxaana xilligaas warbixin lagu sheegay in hawshani soo bilaabatay tan iyo markii madaxweynaha uu xilka qabtay, feebarweri 2017.

Dhawaan se warbaahinta New York Times waxay baahisay xog sheegaysa, in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haysto dhalashada dalka Canada.

Farmaajo ayaa tegay dalka Mareykanka, sannadkii 1985, wuxuu xilligaas ahaa diblomaasi dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya.

Ka dib markii soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalladii sokeeye, wuxuu go’aansaday inuu sii joogo. Sida ay qortay New York Times, nin ay saaxiibo yihiin oo sida oo kalena qaraabo ay yihiin Farmaajo wuxuu sheegay in uu markii hore magangalyo siyaasadeed ka dalbaday Canada, halkaas oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalihiis, markii dambena uu helay baasaboor Canada.

Wargeyska New York Times, wuxuu sheegay in aanay wax falcelin ah ka helin dhanka dawladda, laakiin BBC Somali oo la xidhiidhay waaxda warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya waxay kaga jawaabeen in aanay arrintaas haba yaraatee, waxba ka jirin.

Cabdirashiid Xaashi oo madax ka ah xafiiska warfaafinta Villa Somaliya wuxuu yiri: “Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira.”

“Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya”.

Sida uu daabacay New York Times, 2017-kii, waxaa loolanka doorashada Soomaaliya ka qeybgalay ku dhawaad shan musharrax oo haysta dhalashada Mraaykanka.

Maxaa ka jiro in madaxweynaha ay dacwad kaga furnayd Mareykanka?

Warbixinta uu qoray, wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times, waxaa lagu sheegay in xilligii Madaxweyne Farmaajo iska celiyey dhalashada waddankaas, ay muddo u dhaw ku bilaabatay baadhista kiis dacwadeed khuseeya dhanka cashuur celinta.

Waxaa dacwaddaas billaabay Waaxda Dakhliga Guud ee Canshuuraha, “taas oo ka mid ahayd sababaha Farmaajo ku kallifay in uu iska celiyo dhalashadii waddankaas,” sida ku xusan warbixinta wargeyska.

“Sababta madaxweynuhu u celiyey baasaboorka Maraykanka waa sheeko dheer, faahfaahinteedana aan hore u bixinnay, kuma jirto marnaba in uu sababo kale u dhiibay”, ayuu yidhi Cabdirashiid Xaashi, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuuna intaa raaciyey in “haba yaraatee in madaxweynaha aan weligii lagu soo oogin wax dacwad ah”.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda wax dacwada oo xilliyadas kaga socotay Maraykanka ma jirto, weligiina laguma soo eedayn”, ayuu yiri.

Leave a Reply