Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Djibouti Lagu kulansiiyay

20″ December “2020” Djibouti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isu keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo labada dal, kaddib markii dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.

Kulankan la isugu keenay labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa  khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona.

Ujeedka kulankan ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.

Leave a Reply