12″ May “2021”
ARIMAHA DOORASHADA MISE ARIMAHA KENYA IYO SOOMAALIA ?
Iyada luuqada diplomacy ee lagu la hadlay maamulka waqtiigiisu dhamaaday ee farmaajo uu yahay mid iska cad markaad eegtid u soo magacaabista madaxweyne hore oo African ah in uu xal u helo mashaakil ka taagan doorasho LA,Santa maamul wamadaxweyne mudo,xileedkiisu dhamaaday ayaa hadana waxaa soo muuqanaysa inaaney waxba ka jirin sheegashadii madaxweynihii hore ee somalia ee ahaa in uu arimihii muranka dhaliyay ee doorashada uu ku wareejiyay raysilwasaaraha xilgaarsiinta .
Marka la is,weeydiiyo Maamulka waqtigiisu Dhamaaday ee Farmaajo Maxay ku diideen Ergeyga Midowga Africa u soo Magacaawday arimaha doorashada somalia ?
Hoos U Raac Sheekada Xayeeysiinta Ka Dib
MARIN HABAABIN. !!
Iyaga oo isticmaalaya dhamaan hay,addaha dowlada ayaa maamulka farmaajo oo raba raysiwasaaraha Ethiopia waxa uu iska soo taagay in uu aqbalo magacaabista ergayga midowga Africa ee arimaha doorashada John Maha -oo ah madaxweynihii hore ee doorashada .
Dowladda Soomaaliya ayaa “ku gacan seyrtay” inay aqbasho ergayga gaarka ah ee uu Midowga Afrika u soo magacaabay si uu u dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.
Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga cusub, John Maha – oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana – uu xiriir dhow la leeyahay Kenya.isaga oo arinta magacaabustiisu la xiriirto arimaha doorashada soomaaliya ee Isku mari waayay
Waxay xukuumadda federaalka Soomaaliya warqad u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, taasoo ay ugu wargalisay in dowladda Soomaaliya aysan ku taageeri doonin Mr Mahama doorkiisa cusub.
Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, oo wargeyska uu soo xigtay ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ghana uu gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, isagoo aan cayimin nooca uu yahay xiriirkaas
Sii hayaha wasaarada arimaha arimaha ayaa isku dayaya in uu Marin habaabiyo ajandayaasha ergayaga midowga Africa isaga oo inaan lagu kalsoonaan karin aan sheegin wax dhafsiisan
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaan weydiiyay arrinka warqadan iyo in ay xaqiiqo tahay, balse way ka gaabsadeen. Noomana suuragalin in aan helno wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la sheegay in warqaddan ay iyada ka soo baxday.
Xayeeysiin
Maalintii Sabtida ahayd ayay hoggaanka Midowga Afrika usoo magacaabeen Mahama inuu noqdo ergaygooda ugu sarreeya dhinaca arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya si uu ugu qaabilsanaado xal u helidda xasaradaha diblomaasiyadeed ee labada dal ee dariska ah.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka soo xulashada Maha, waxaana mowqifkooda lagu caddeeyay bayaan Aaxaddii kasoo baxay Stephane Dujarric oo ah afhayeenka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.
Soomaaliya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya kaasoo ay jartay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Dowladda Qadar ayaa door weyn ku lahayd dhexdhexaadinta labada waddan iyo soo afjaridda xiisadda.mana ahan mid u taal ergaygan midowga Africa arimaha soomaalia iyo Kenya waxaase loo igmaday arimaha doorashada cakiran
BBC Somalia oo wax ka qortay taariiqdiisa oo kooban ergayga midowga Africa eearimaha doorashada ayaa Ku biloowday
Waa kuma John Mahama?
Mr Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano.
K ahor inta uusan madaxweyne noqonin, wuxuu ahaa wasiirka wafraafinta kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Ghana.
Xilka madaxweynaha wuxuu qabtay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyay isaga, John Evans Atta-Mills, oo dhintay bishii July ee sanadkii 2012-kii. Isagana waxaa xilka lagala wareegay sanadkii 2017-kii.
Mr Mahama wuxuu shaqooyinkiisa xirfadda ah markii ugu horreysay ku billaabay macallinnimo, wuxuuna ardayda bari jiray maaddada taariikhda
Qaar ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee uu soo maray
1981-kii wuxuu ka cararay Ghana wuxuuna tagay dalka Nigeria kaddib markii uu afgambi sameeyay Jerry Rawlings.
1991 ilaa 1995 wuxuu ka shaqenayay xafiiska warfaafinta ee Safaaradda Japan ay ku leedahay Ghana.
1996-dii waxaa loo doortay xildhibaannimada Baarlamaanka Ghana, isagoo matalayay deegaan baarlamaaneedka lagu magacaabo Bole-Bamboi ee gobolka waqooyiga dalkaas.
1998-kii, bishii November waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta.
2000 waxaa dib loogu doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi oo loo igmaday afar sano oo kale.
2001, bishii January waxaa xilka wasiirka Warfaafinta kala wareegay Felix Owusu-Adjapong.
2003 ilaa 2008 wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaan goboleedka Pan-Afrika, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ururkaas ay ku bahoobeen dalalka Galbeedka Afrika.
Xayeeysiin
2004 waxaa mar saddexaad loo doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi ku matalaya baarlamaanka.
2008 waxaa loo xushay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo John Evans Atta-Mills oo u tartamayay doorashada madaxweynaha oo dhaceysay bishii December.
2009, 3-dii January John Atta-Mills ayaa lagu dhawaaqay inuu noqday madaxweynaha Ghana.
2009, 9-kii January John Mahama waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Ghana.
2011, 4-tii August waxaa mar kale la xaqiijiyay inuu madaxweyne ku xigeen u noqonayo John Evans Atta-Mills oo doorashada madaxweynaha u tartamayay markii labaad.
2012, 24-kii July waxaa geeriyooday madaxweyne John Atta-Mills, oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Accra. Mahama ayaa durbadiiba loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Ghana.
2012-kii xisbiga talada hayay ee NDC ayaa ku taageeray inuu xilka madaxweynaha ugu tartamo doorashadii dhaceysay dabayaaqadii 2012-kii.
2012, 7-dii December wuxuu xilka madaxweynaha kula tartamay Nana Akufo-Addo oo ka socday xisbiga cusub ee magaciisa loo soo gaabiyo NPP.
2012, 11-kii December waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay xilka madaxweynaha kaddib markii uu helay 50.7% ka mid ah codadkii la tiriyay. Nana wuxuu helay 47.74% ka mid ah codadka.
2014, 29-kii March waxaa loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha Galbeedka Africa ee ECOWAS, jagadaas oo uu soon qabtay hal sano.
2015, 28-kii July nin ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay inuu dilo Mahama.
2016, bishii June waxaa lagu eedeeyay inuu qaatay gaari hadiyad ah oo qiimihiisu gaarayo $100,000. Hadiyaddaas waxaa la sheegay inuu ka helay nin qandaraasle ah.
2016, 22-kii September wuxuu Shirka Qaramada Midoobay ka sheegay in Afrika “aysan u baahneyn naxariistooda iyo kaalmadooda balse ay u baahan tahay in si caddaalad ah fursad loogu siiyo inay caalamka wax la qeybsato”.
2016, 9-kii December wuxuu qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxweynaha kaddib markii uu guusha qaatay Nana Akufo-Addo.
2016, 13-kii December wuxuu raacay hoggaamiyeyaal Afrika ka socda oo u safrayay Gambia si ay xal ugu raadiyaan xasaradihii siyaasadeed ee ka dhashay markii doorashada looga adkaaday madaxweynihii dalkaas Yahya Jammeh.
2017, 22-kii June maxkamadda ugu sarreysa Ghana ayaa xukuntay in Mahama uu dastuurka meel uga dhacay markii uu 2016-kii dalkiisa u fasaxay labo qof oo argagixiso ah oo laga soo daayay xabsiga Mareykanka ee Guantanamo Bay.
2017, bishii July wuxuu hoggaaminayay guddi kormeerayaal ah oo loo soo xil saaray doorashadii guud ee ka dhaceysay dalka Kenya.
2018, bishii July wuxuu hoggaaminayay kormeerayaashii doorashadii ka dhaceysay dalka Zimbabwe.
2019, 24-kii February waxaa loo doortay murashaxa xisbiga NDC ee xilka madaxweynaha, si uu ugu tartamo doorashadii dhaceysay 2020-kii. Laakiin waa looga guuleystay.
2021, 9-kii May waxaa loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya si uu gacan uga geysto xal u helidda doorashada hannaankeeda lagu murmay.
Isku soo duub soomaalidu waxay tiraahdaa hasha maqaarka diidaysa meel ay Ku xoqoto ma weeyso waxaana ka dheehan kartaa sida laysugu xiarayo sheekooyin aan islahayn oo looga gol,leeyahay in lagu ski cimri dheereeysto