Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa illaa hadda aan ka hadlin dib u doorashada hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay inta badan u hambalyeeyeen xubnaha kale ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.
Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.
Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay xubnaha kale ee mucaaradka ee garab istaagay Axmed Madoobe, waxayna muujineysaa kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhexeeya isaga iyo mucaaradka.
Farmaajo ayaa illaa iyo hadda waxa ay si weyn isugu dhacsan yihiin Axmed Madoobe oo ay ku dagaalameen doorashadii hore ee Jubbaland oo gaartay heer gobolka Gedo u ka gooyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata in illaa iyo hadda uu Farmaajo sidiisa ugu taagan yahay mowqifkiisa.
Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaamiyaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay durbadii u hambalyeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.