19″ March ” 2021″ GEDO-
Gobolka gedo oo waayadan danbe xudun u noqday sababaha hortaagan doorashoka dhacda dalka ayaa waxaa ku sii ququlaya ciidan aaney cadeeyn ujeedada iyo hadafka halkaas loo geeyo tiiyo ay Isu raacday abaar, roob la,aan iyo cuno yaraan .
Sii hayaha dowlada ayaa bixiyay amar Ciidan iyo hub looga dajiynayo degmada Dolow ee Gobolka Gedo, taas oo isla galabtaba gaartay degmadaasi
Ciidanka ayaa la sheegay in ay yihiin Ciidamo Tababar ku qaatay magalada Muqdisho, kuwaasi oo in muddo ah la diyaarinayay, Ciidanka Galabta laga dejiyay degmada Dolow ee gobalka Gedo ayaa ah kuwo aad u hubeysan.
Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhuftay Abaaro ba’an, waxaana degaanada Gobolkaasi ka taagan xaalad nololeed oo aad u daran, waxaana shacabka Gobolkaasi kasoo yeeraysa qayla dhaan, iyagoo dalbanaya in lala soo gaaro gar-gaar bani’adanimo.