MUQDISHO RADIODALSAN
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo Ku xigeenkiisa.
Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya shirka Dhuusamareeb uga furmaya Dowladda dhexe iyo madaxda maaamul Goboleedyada, waxaana Dhuusamreeb ku sugan qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirka Dhuusamareeb ayaa loo madalsanaa in uu Maanta ka furmo Galmudug, waxaana shirka wali ka maqan qaar ka mid ah madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana xusid mudan in shirka Dhuusamareeb3 looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021.