Farmaajo oo ka horyimid xil ka qaadista fahad yaasiin iyo magacaabista Bashiir goobe

Monday ” 6 September “2021

Farmaajo oo ka horyimid shaqo joojinta ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin

Madaxweynaha muddo xilleedkisa dhamaaday ayaa ka horyimid shaqo joojinta uu ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay taliyaha ciidamada nabadusigida qaranka Fahad Yaasiin.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;
Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Wuxuu soo saaray qodobadan;

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Jubbaland oo soo dhaweysay go’aankii Shaqada looga joojiyay Fahad Yaasiin

Jubbaland ayaa soo dhoweysay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha uu shaqada kaga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin iyo magacaabida Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee Hey’adda Sareeye Guud Bashior Goobe

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkisu dhammaaday uu Shacabka Soomaaliyeed iyo dunidaba uu si buuxda ugu bidhaamiyay in shaqsi uu kala weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga iyo cadaalad darada uu garab u yahay.

halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Jubbaland;

犀利士 “https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2021/09/jjj.jpg”>jubbaland oo soo dhaweysay go'aankii shaqada looga joojiyay fahad yaasiin

ROOBLE OO XILKI KA QAADAY FAHAD YAASIIN MAGACAABAYNA BASHIIR GOOBE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin, isagoo si Kumeel gaar ah ugu magacaabay xilka Sareeye Guud Bashiir Goobe

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sababeeyay xil ka qaadista Fahad Yaasiin madax adeeg iyo inuu siyaasada ku milmay.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa la faray in muddo saddex maalmood gudahood uu xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub.

Sidoo kale waxaa la faray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida inuu baaro kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana Maxkamadda awoodda leh iu horgeeyo.

ra’iisul wasaare rooble oo xilka ka qaaday fahad yaasiin iyo agaasime cusub oo uu magacaabay

Leave a Reply