19″ April ” 2021″ Kinshasa
Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo
Farmaajo ayaa u sheegay madaxweynaha Congo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda. oomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna”
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen
Kulanka farmaajo iyo madaxweynaha Congo ayaa waxaa ka horeeyay Kulan isniintii hore looga hadlay arimaha gobolka oo dhaxmaray Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Congo oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi
.Laakiin kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa waxaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.iyada oo qamiista soo socotana lagu wado in Kinshasa tago madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta