16″ April “2022” Muqdisho
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha waqtiga ka dhammaaday uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya kulan aan wadajir aheyn ku yeeshay Xarumahooda Magaalada Muqdisho, iyadoo la magacaabay Guddiyada qaban-qaabada doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.