Thursday ” 21″ October “2021” Muqdisho
Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo uu wehliyo Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo labadii cisho ee la soo dhaafay waday dadaalada xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble
Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabista Bashiir Goobe iyo sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Cabdulaahi Maxamed Nuur.
Waxana uu kulankan imanaya kadib kulan ay xalay ku yeesheen madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Kulankan ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa daba socda kulan xalay Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kulamadan ayaana xal loogu raadinayaa khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka kadib khilaaf soo jiitamayay labadii bilood ee la soo dhaafay
Kulankan ayaa ahaa mid xalinayay khilaafkii sababay kala jabka NISA iyo shaq壯陽藥 o ka eryintii Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin ee ka dhalatay kiiskii dilkii Ikraan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka ahaa mid hordhac oo salaan iyo sheekeysi, waxaana lagu balamay in caawa kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka xalay ayaa ii sheegay in kulanka xalay intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.