Farmaajo oo Maalintii Labaad Ciidamo U Sii Daadgureeynaya Gobolka Gedo

20″ March “2021

Diyaarad sida Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Federaalka oo maalintii labaad Ciidamo badan diyaarad qaas ah uga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka dejisay Garoonka diyaaradaha Doolow, iyadoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen Ciidamada, Saraakiil ka tirsan dowladda oo halkaas jooga.

Sawirro laga soo qaaday Ciidamada ayaa lagu arkayay iyaga oo watay hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana Garoonka looga soo qaaday gaa

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka maalintii labaad laga dejiyay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo gaar ah oo dowladda Turkiga tababartay, kuwaasi oo kamid noqonaya Ciidanka dowladda ee horey Gobolkaas loo geeyay.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Federaalka ay degmada Doolow ee Gedo ka geeysay Ciidamo badan, Hub iyo gaadiid dagaal oo diyaarado gaar ah looga qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Maanta Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay uga hadashay Ciidanka dowladda Soomaaliya ku daabushy Gedo, iyagoona sheegtay in Ciidan la geeyay Gobolkaas, iyada oo ay jiraan abaaro darran, dowladdana laga sugayay gurmad.

Leave a Reply