February ” 9″ 2021″ MUQDISHO-
Sii,hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaalia maxamed cabdulahi farmajo ayaa codsaday shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka in at isugu yimadeen isaga iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa ka furmaya 15-ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shir maalmo socda ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waa fashilmay, iyadoona la isku mari waayay” siaas oo tahayna Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, maadaama uu shalay dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha..
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay uu dhammaaday muddo xileedka dastuuriga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qabashada shirka Madaxweynaha cadaadis ku saartay Beesha Caalamka.codsigaan ayaa waxaa ka horeeyay Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddoonka Golaha Shacabka oo aan LA shaacin waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaase kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiye Maxamed Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad la sheegayaa in lagu lafa guray sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay, xili uu khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.