22″ April “2021 MUQDISHO
Isaga oo markii u horeysay si cad u muujistay in xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso dalka Jabuuti, ayuu farmaajo oo isticmaalayan kusimaha wasiirka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa waxa uu digniin u diray dowladaha Jabuuti iyo Kenya
Dubbe ayaa ku eedeeyay wadamadan inay Midowga Afrika ka dhex wadaan olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan soo jeedin qodobo ay doonayaan in lagu daro war murtiyeedka la filayo in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ka soo saaraan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.
“Urrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shisheeye iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso , waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin go’aanka ugu dambeeya ee Qaanuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta