10″ January ” 2021 MUQDISHO
Kulan u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo,Ra’isul Wasaare Roble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ka socda Madaxtooyada

Shirkan oo qado ahaa oo Madaxweynuhu ku martiqaaday Madaxda ayaa looga hadlayaa xaaladihii ka soo kordhay is mari waagii ka taagnaa doorashada oo shalay Xukuumadda ku dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada si aan waqti kale u sii lumin, kaddib markii Madaxweyne Qoorqoor uu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday, isagoo eedda dusha ka saaray Puntland iyo Jubbaland.
Shirkan u socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo caawa ay balansan yihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha saddexda Dowlad Goboleed.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa ku gacan seyrey warka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Arrimaha ku saabsan qabashada doorashada ayaa noqotay mid bishan Janaayo dardar weyn ay gashay kadib markii uu soo dhowaaday xilliga xil haynta Madaxweynaha.
