Farmaajo oo warqad uu kaga cabanayo faragalinta wakiilada beesha caalamka u diray Golaha Ammaanka

9″ April “2021” MUQDISHO

Isaga oo siyaasadii dibada soomaaliya u adeeegsanaya dano gaar ah ayaa madaxweynahii hore ee.soomaalia maxamed cabdulaahi farmaajo waxa uu warqad u diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilka ka degaysa Linda Thomas-Greenfield taas oo uu jawaab uga dhigayo hadalkii ay March 31 ay Golaha ka sheegtay

Farmaajo oo sii maraya wasaarada arimaha dibada somalia ayaa Warqaddiisa cabashada ah Ku xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado doorasho, balse lagu rajo weyn yahay in laga gudbo ayadoo loo marayo wada hadal.

Warqadda waxaa kale oo uu ku soo qaaday in xasilooni siyaasadeed ay muhiim tahay, sidoo kale in doorasho loo dhan yahay iyo tanaasulna laga ma maarmaan u yihiin arimaha taagan oo uu ka mid yahay caqabadaha uu dalku ka dhaqaaqi waayay

Farmaajo ayaa waxay warqadda ku dalbaday saddex qodob :oo uu kaga hadalay sida uu rabo in u abaabulo doorasho aysan beesha caalamku kaalin Ku lahayn iyo in loo madaxbanaaneeyo howlaha doorashada cakiran ee soomaaliya

1- Doorashadu in ay tahay arrin Soomaaliyeed, oo Soomaali dhex taalla, Golaha Ammaankuna uu taageero madax-bannaanida Soomaaliya, wadajirkeeda, iyo in shuruucda caalamiga ah ee qaba in aan la soo fara gelin la ixtiraamo.

2- Dowladdu in heshiiskii 17 September iyo Heshiiskii Baydhabo ay u aragto asaaska doorashada, ayna ogoshahay shuruud la’aan.

3- Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.

Leave a Reply