Farmaajo oo u kireystey shirkad gaar ah oo olole uga dhex sameyso kongreska Maraykanka.

24″ April”2021

Shirkadan oo fadhigeedu yahay magaalada New Jersey oo la yiraahdo LFA Holdings ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay kula heshiisay safiirka Somaaliya ee dalka Maraykanka in ay gacan ka geysato abaabulka booqasho uu ku tago Mareykanka Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Sida lagu daabacay wargeyska Foreignlobby.com Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Cali Shariif, ayaa siiyay lacag dhan 150,000 oo dollar oo diiwanagelin ah shirkada ka dhax ololeesa congrass Maraykanka waxana uu ka dalbay sidii uu ku tagi lahaa Maraykanka uuna ula kulmi lahaa guddiga arimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Maamulka Madaxweyne.

Arrintan ayaa dhacday bishii Maarso,xilli dowladda Maraykanka ay ka dalbaysay Soomaaliya in wada hadalka uu sii socda muddo kordhin aan la aqbali doonin.


Maraykanka ayaa si aad ah uga horyimid muddo kordhinta uu sameystey Farmaajo waxaana general madaxda ka ah ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Townsend uu ku tilmaamay muddo kororsiga inay ka xun tahay Alshabaab.

Leave a Reply