Farmaajo oo ka dalbaday Madaxweynaha Congo Dhexdhexaadin laga dhax Sameeyo Isaga Iyo Uhuru Kenyatta

19″ April “2021

Wasaaradda Arrimaha Dibbada somalia ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu ka dalbaday Madaxweynaha Congo Dhexdhexaadin laga dhax sameeyo Isaga Iyo Uhuru Kenyatta

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisu uu dhamaaday ee Farmaajo uu doonayo in Midowga Afrika dhexdhexaadin ka sameyo dowladda iyo saamilayda siyaasadda.

Twitterka Wasaaradd Arimaha dibadda lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu soo dhaweynaayo doorka fududayn ee Midowga Afrika.

Sidoo kale Madaxtooyada DR Congo ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynaha Congo ahna madaxa Midowga Afrika inuu ka qeyb qaato dhex dhexaadinta Saamileyda siyaasadda ee ku lugta leh xaalada cakiran ee Soomaaliya.

lama oga isbedelka ku yimid mowqifka Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa shaki weyn dhaliyay booqasahada degdegga ah ee uu ugu ambabaxay magaalada Kinshasa ee caasimada dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.

Hase ahaatee waxaa jira cadaadis xoog leh oo ay saarayaan beesha caalamka Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday ee Farmaajo iyadoo si weyn uga so horjeestey muddo kordhinta ee golaha shacabka dhowaan u sameeyay Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday.

Farmaajo maxaa kale oo uu ka codsaday Madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi?

Madaxtooyada DRC waxay sheegtay inay labada madaxweyne yeesheen wadahadalo socday muddo laba saacadood ah. Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxeynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wadaxaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in madaxweynaha DRC uu soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya inuu Midowga Afrika u furo dhammaan Soomaalida sidii loo gaari lahaa xal iyo nabad waarta.
Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xaqiijisay codsiga Farmaajo.


Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yiri “Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.”

Leave a Reply