FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday In uu ku Biiro Daacishta Somalia

Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaa sidaas Arbacadii ku dhowaaqay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Qeybta Maryland.

Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Waxa uu ka soo hor muuqday garsoore maxkamadeed Erin Aslan ka dib markii la xiray.

Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada.

Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa Plan B ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel.

Bilihii May iyo June 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo waqtiga goob toogashada lagu sameeyo oo ku taalla Severn, Maryland, taasi oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.”

Markii dambe waxa uu isku dayay in uu iibsado qoriga Kalashnikov K-9 9mm bishii July 2024, balse waa loo diiday sababo la xiriira in kiis dambi ugu jiray diiwaanka gobolka.

Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka.

Teekaye ayaa helay fiisaha elektaroonigga ah ee Itoobiya, iyo ticket diyaarad oo uu ka helay dagaal-yahanada Daacish, si uu uga safro garoonka diyaaradaha BWI isaga oo ku socda Soomaaliya, siina maraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib marka uu ku hakado magaalada London.

10-kii October, Teekaye waxa uu sarkaal is-qariyey u diray sawir isaga oo maaskaro xiran oo baangad sita, iskuna sheegaya in uu yahay “Cabdullaahi, dilaaga islaam nacaybka”.

Teekaye ayaa lagu xiray BWI October 14 ka dib markii uu maray hubinta kahor duulimaadkiisa.

Markii la xiray kadib, Teekaye ayaa la sheegay inuu ku yiri wakiilada FBI-da, “Waxaan xabsiga ka soo bixi doonaa 20 sano kadib oo aan wax ka qaban doono halkan… Jihaadku waligii ma joogsan doono.”

Ka dib waxaa la sheegay in uu laad ku dhuftay mid ka mid ah wakiiladii FBI-da ee soo xiray intii ay hadalka is-dhaafsanayeen.

Haddii lagu helo dambiga, Teekaye waxa uu wajahayaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo federaal ah sababo la xiriira uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye ah.

VOA