FIFA ayaa furtay baaritaan ka dhan ah xulka Argentina oo lagu eedeeyay habdhaqanka aan wanaagsaneeyn finalkii Koobka Adduunka ee Qatar

14″ January, 2023″ AFP

FIFA ayaa sheegtay in ay furtay dacwad ka dhan ah Argentina oo lagu eedeeyay “dhaqan xun” intii lagu jiray finalkii koobka adduunka ee kooxdu ku qaaday Qatar bishii hore.

Argentina ayaa rigoorayaal ku garaacday xulka ku guuleystay 2018 ee France oo markii saddexaad qaaday koobka

Goolhaye Emiliano Martinez ayaa ciyaarta ka dib sameeyay fal anshax xumo ah goolhayihiisa koobka tartanka, ka hor inta aan laga duubin qolka labiska isaga oo ku jees jeesaya xiddiga reer France ee Kylian Mbappe.

Mbappe ayaa ku guuleystay abaalmarinta kabaha dahabka ah ee FIFA ka dib markii uu dhaliyay goolasha ugu badan tartanka.

Xiriirka kubada cagta aduunka ayaa sheegay in Argentina ay suurtagal tahay in ay jebiso sharciyada ku saabsan “dhaqanka xun iyo ku xadgudubka mabaadi’da ciyaarta cadaalada” iyo “anshax xumada ciyaartoyda iyo saraakiisha”.

FIFA ayaa sidoo kale baareysa xiriirka FA-ga Argentina oo ku saabsan ku xad-gudbka warbaahinta iyo shuruucda suuqgeyneed.

Martinez ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulmay khubarada iyo baraha bulshada kadib markii uu ku jees jeesay Mbappe intii lagu guda jiray d壯陽藥 hoolatuskii guusha Argentina ee Buenos Aires – halkaas oo uu ku qabtay cunug yar oo uu wejiga ku malaasay ciyaaryahan Faransiis ah.

Kooxda Croatia ayaa sidoo kale lagu baarayaa xadgudubyada suurtagalka ah ee “takoorka” iyo ” nidaamka iyo amniga ciyaaraha “

Ciyaartoyda ayaa u muuqdey in ay ku heesayaan hees macnaheedu yahay faashist ka dib guushii ay ka gaareen kaalinta seddexaad ee isreeb reebka Morocco.

Daafaca Dejan Lovren ayaa difaacay naftiisa iyo saaxiibadiis, isagoo dhawaan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay ahayd “hees wadani ah oo la xidhiidha dalkayga, taas oo macnaheedu yahay inaan jeclahay dalkayga”.

Kooxda ayaa sidoo kale lagu qasbi doonaa inay ciyaarto hal ciyaar oo tartanka FIFA ah oo albaabadu u xiran yihiin

Leave a Reply