FIFA ayaa uga digtay Tunisia inay wajaheyso suurtagalnimada in laga saaro Koobka Adduunka 2022

30″ October “2022” Reuters

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa uga digay xidhiidhka kubbada cagta Tunisia in ka qayb galka kooxdooda ee koobka aduunka 2022 ay khatar ku iman karto hadii la ogaado in dawlada ay faragalin ku hayso ururka.

Markii ay u soo baxeen koobkii aduunka ee lixaad, dalka Waqooyiga Afrika ku yaala ayaa ku jira Group D oo ay kula jiraan xulalka difaacanaya koobka aduunka ee France, Australia iyo Denmark, kuwaas oo wajihi doona kulankooda furitaanka 22-ka November.

Xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta (FIFA) ayaa horaantii todobaadkan u diray TFF warqad ay ku muujinayaan walaaca ay qabaan kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Tunisia Kamel Deguiche uu ku hanjabay inuu kala diri doono qaar ka mid ah xafiisyada federaalka, iyo hadalo kale oo dhawaanahan ka careysiiyay maamulka caalamiga ah.

Sida uu dhigayo sharciga FIFA, dhammaan xiriirada wadamada xubnaha ka ah waa in ay xor ka ahaadaan wax kasta oo ku lug leh dhinac saddexaad ama dowlad.

Kenya iyo Zimbabwe ayaa hadda la mamnuucay jebintan awgeed. Hindiya ayaa isla sababtaas muddo kooban shaqada looga joojiyay bishii Ogosto ee sanadkan.

FIFA ayaa warqadda u xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters balse way diiday inay faallo dheeraad ah ka bixiso. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay TFF

Warqad ka timid Kenny Jean-Marie, oo ah agaasimaha xiriirka xubnaha FIFA, oo ku socota xoghayaha guud ee TFF Wajdi Aouadi, ayaa xasuusisay ururka waajibaadkiisa ah inuu u dhaqmo si madax-bannaan oo looga fogaado saameynta aan loo baahnayn ee dhinacyada saddexaad.

“Ku guuldareysiga in loo hoggaansamo waajibaadyadan waxay keeni kartaa in lagu soo rogo ganaaxyo marka loo eego sharciyada FIFA, oo ay ku jiraan joojinta xiriirka犀利士 ay khuseyso,” ayaa lagu yiri.

Kooxda waligeed kama aysan soo bixin wareega group-yada. Russia 2018, waxa loo diwaan galiyay guusheedii labaad ee koobka aduunka waana guusheedii ugu horaysay tan iyo 1978 kadib markii ay 2-2 kaga badiyeen Panama.

tunisia
Tunisian players celebrate qualification for the 2022 World Cup [Zoubeir Souissi/Reuters

Leave a Reply