Warbaahinta Iceland ayaa soo werisay ka dib tartankii Sabtidii, oo lagu xalliyay rigooradii ugu dambeeysay ee Raheem Sterling, in Foden iyo Greenwood ay martigeliyeen gabdho aan martigalintooda la sii qorsheynin.
Gabdhaha su’aalaha la weydiiyay ayaa la sheegay inay soo dhigeen sawirro Snapchat ah taas oo muujinaya ciyaaryahanada khadka dhexe ee City iyo United iyaga oo la qaadanaya jawi wanaagsan .
Dabeecaddahooda ma aha oo kaliya inay si toos ah uga hor imaaneyso tilmaamaha adag ee la xiriira Covid-19, laakiin sidoo kale waxay aad uga hooseysaa heerkii laga filayay ciyaaryahan Manchester City ama Manchester United ah .
England waxaa u hadhay xulasho yar laakiin inay ciqaabto labada cayaartooy ee ku martiqaaday gabdho dibada si taxaddar leh ayaa loo geeynayaa goobo loo dhisay in lagu ski hayo dadka looga shakiyo caabuqa covid 19
‘.
Foden waxaa gacanta u galiyay Southgate bilowgii kulankii cidhiidhiga ahaa ee Iceland, halka Greenwood la soo galiyay kursiga keydka.
Labada ciyaaryahan ayaa kulankoodii ugu horreeyay saftay kulankoodii furitaanka Nations League ee ay la yeesheen Iceland laakiin kama qeyb qaadan doonaan kulanka Denmark, Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay
Phil Foden iyo Mason Greenwood ayaa laga saaray xulka England iyaga oo “jebiyey xeerarkii loo yaqaan” Covid tilmaamaha “ee Iceland iyada oo ay jiraan eedeymo ah in ay ku casuumeen gabdhaha qolkii ay deganaayeen
Labada cayaaryahan oo kulankoodii ugu horreeyay ee caalami ah ciyaaray intii lagu guda jiray furitaankii UEFA Nations League ee Reykjavik ee Saddexda Libaax ay ku badiyeen 1-0, ayaan wax door ah ka ciyaari doonin kulanka ay la leeyihiin Denmark Talaadada.
Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Manchester City Foden iyo weeraryahanka Manchester United Greenwood ayaa ka maqnaa tababarka kooxda Isniintii xulka England
G O A L