Afar Kursi oo ka Tirsan Xildhibaanada Somaliland oo maanta Muqdisho lagu Doortay Muqdisho

19″ December “2021” Muqdisho

Afar kamid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada waqooyi ee loo yaqaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

Jaamac Maxamed Askar oo horay uga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay Hop#254, kadib markii uu ka haray tartanka Aadan Axmed Nuur Haybe.

Guuleed Biixi Cabdi

Guuleed Biixi Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo qurbajooga ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#255, isaga oo kaga guuleysatay tartanka laba musharax oo la tartamay. Guuleed Biixi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay oo kala ahaa Axmed Maxamuud Muxumed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen ay kala heleen 22 cod & 21 cod.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka isla markaana Gobollada Waqooyi ku matali doono halkaas.

Waxay heshay 93 cod kadib markii ay ka tanaashuly tartanka kursiga HOP#262, Caasha Aadan Yuusuf.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Soomaaliya ka qabata xilalka Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibedda

YCabdullaahi Cismaan Ducaale

Ugu dambeyna, kursiga tirsigiisu yahay Hope#229 waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cismaan Ducaale, kadib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada Somaliland in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka

Leave a Reply