Furitaanka Kal-Fadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo furmay

Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha DawladGoboleedka  Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor,  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Maxamed Maxamuud  Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah laba Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha,  Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyay Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.