28- Sept-2023
arax ayaa laga hortagey markii Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay saaka ka fashilyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la doonayay in gudaha loo geliyo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Dheeho News Every Day
Labada baabuur ayaa lagu qarxiyay banaanka magaalada, waxaana rasaaseeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi, kadib markii ay isku dayeen inay xoog ku soo dhaafaan bar-koontarool oo laga ilaaliyo amniga guud ee magaaladaasi.
Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Sidoo kale Qoraalka ayaa intaas lagu sii daray “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay khasaaro AS ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah ee ka socda deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo ku dhow saddexdood ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu Madaxweynaha si KMG ah ugu shaqeynayo.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen Madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxaana xusid mudan in weerarkaasi uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.