Gaalkacyo Weerar Is Qarxin Ah oo Lagu Qaaday Goob Lagu Soo Dhoweyn lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble

18″ December “2020

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybteeda Koofureed.

Qaraxa ayaa ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise, halkaasoo lagu soo dhoweyn lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise.

Qofka is qarxiyay ayaa beegsaday saraakiil ciidan iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo hordhac ahaa, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay sugida amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ku soo socday garoonka kubadda cagta oo loogu diyaariyay dadweyne soo dhoweyn lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Cadaado oo uu xalay ku hoyday, iyagoo soo maray deegaanno u dhaxeeyo Gaalkacyo iyo Cadaado.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegaya inuu sababay qaraxa, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ku jiray Saraakiisha Ciidanka Qeybta 21aad ee xoogga dalka, sidoo kale Qooje Dagaari iyo Muqtaar Cabdi Aadan oo ku dhaawacmay weerarkii Argagixisanimo ee Garoonka C/laahi Ciise Gaalkacyo.
Dad Shacab oo soo dhowaynayay Raiisulwasaaraha Somalia ayaa ku waxyeeloobay Weerarkaasi.

Wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa

Leave a Reply