23- September-2023-
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray magaalo muhiim ah犀利士 oo ku taal bartamaha Soomaaliya iyadoo ay socdaan howlgalo ciidan
Qarax ayaa ka dhacay deegaan muhiim ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, iyadoo ciidamada dowladda oo garab ka helaya maleeshiyo beeleed iyo saaxiibo Ajaanib ah ay sii wadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qarxiyay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Xawaad. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta oo goobta gaaray ayaa markii uu qaraxa dhacay kadib goobta gaaray, si ay goobta uga qaadaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle.
Magaalada Beledweyne oo qiyaastii 300-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka socday abaabulo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan bulshada deegaanka.
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 36 kalena way ku dhaawacmeen magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore qaraxyo saddex baabuur oo qaraxyo ah oo ay fuliyeen Al-Shabaab.