Gabadha ah Superstar-ka kubada koleyga Maraykanka Brittney Griner ayaa la siidaayay iyadoo la dhaafsanayo ganacsadaha hubka ee Ruushka Viktor Bout.

8″ December ” 2022″ Aljazeera

Heshiiska hal-hal-hal-is-dhaafsiga Maraykanka iyo Ruushka ayaa ciyaaryahanada Brittney Griner’s u fududeeyay in ay ku sii socoto gurigeeda-iyadoo Viktor Bout uu gaaray Moscow saacado ka dib markii labadan Maxbuus laysku dhaafsaday garoonka diyaaradaha Abu Dubai

Isku badalashada xiddiga kubbadda koleyga Mareykanka Brittney Griner iyo Ninka Ruushiyanka ah ee ka ganacsan jiray hubka ee Viktor Bout ayaa laga soo dhaweeyay Moscow iyo Washington

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isdhaafsiga maxaabiista maraykanka iyo ruuska ee lagu sii daayay ciyaaryanada ugu dabaaldegay Twitter-ka wuxuuna ku soo qoray: “Daqiiqado ka hor waxaan la hadlay Brittney Griner-W ay nabad qabtaa Waxayna saaran tahay diyaarad- iyadoo ku soo jeeda gurigooda

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1600904071237361664?t=rNakye8TKgDx犀利士 Lpms1GRpTg&s=19

Paul Whelan, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Maraykanka, ayaa weli ku jira xabsi ku yaal Ruushka iyadoo Qoyska Paul Wheelan oo aan qayb ka ahayn isdhaafsiga maxaabiista Ruushka iyo Mareykanka ay sheegeen inay aad uga xun yihiin inuusan qayb ka ahayn heshiiska maxaabiis Isdhaafsiga wiilkooda

Ma jirto guul ka weyn in maxbuus khalad ah la sii daayo oo ay guryahooda ku laabtaan. Maamulka Biden wuxuu qaatay go’aan sax ah oo ah inuu Ms Griner ku keeno guriga, iyo inuu sameeyo heshiiska suurtagalka ah, halkii la sugi lahaa mid aan dhici doonin-Sidaas waxaa yiri David Whelan, ooy walaalo yihiin Paul Wheelan,

Shan sarkaal oo hore oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS News in heshiiska la gaaray Khamiistii la soo dhaafay si laysu weeydaarsado laba maxbuus

Viktor Bout ayaa gaaray Moscow:

Weriyaha Al Jazeera Ali Hashem, oo ka soo warramaya Moscow, ayaa sheegay in maxbuuska la sii daayay, Viktor Bout, uu gaaray Ruushka.

“[Bout] waa shakhsi daahsoon oo aan aad loo fahmi karin 2008-dii waxaa lagu xiray dalka Thailand, iyadoo ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka iyo Thailand, waxaana loo gacan geliyay Mareykanka, waxaana lagu xukumay 25 sano, kadib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay basaasnimo ka dhan ah muwaadiniin iyo saraakiil Mareykan ah.

“Baaritaano la soo aruuriyay, ayaa magaciisa la xiriiriyay dhowr heshiisyo hub ah oo la geeyay Afrika & Aasiya, laga soo bilaabo Congo, Liberia, Sierra Leone, Afgaanistaan ​​iyo Lubnaan, sidaas darteed wax badan ayaa ku jira,” Hashem ayaa yiri.

Xidigada kubada koleyga Maraykanka Brittney Griner waxay ku sii jirtaa hawada , Saraakiisha Ruushka ee isticmaala aalada Telegram waxay u dabaaldegayaan sii deynta Bout, iyadoo mid ka mid ah uu ku tilmaamay inuu yahay “qof cajiib ah”.

Leave a Reply