3- January-2024) Golaha deegaanka ee magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa u dhaariyay Naadiya Maxamed oo 27 jir ah inay noqoto duqa magaalada, labo bilood ka dib markii ay taariikhda gashay iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah oo ay codbixiyeyaashu u doorteen duqa magaalo.
壯陽藥 Naadiya Maxamed ayaa heshay 58% codadkii la dhiibtay si ay ugu guulaysato doorashadii duqa magaalada ee bishii November ee sanadkii hore ee 2023-kii.
Sidoo kale waa qofkii ugu da’da yaraa, waana qofkii ugu horeeyay ee Muslim iyo Madaw ah oo loo doorto duqa magaalada, balse waxay sheegtay inay doonayso in lagu aqoonsado wax ka badan intaas oo ay sameeyo waxqabad muuqada.
“Aqoonsigaygu waa qayb ka mid ah sheekadeyda, waan ku faanayaa wax kasta oo aan ahay, laakiin ma rabo inay taasi noqoto sheekada kaliya. Ma doonayo in taasi ay noqoto meesha ay dadku joojiyaan wada sheekaysi” ayay tir Naadiya Maxamed oo la hadashay KARE TV oo fadhigiisu yahay Minneapolis.