20″ March “” 2021″ BBC
Khilaafka doorashada Soomaaliya: Galaangalka beesha caalamka iyo go’aanada madaxwayne Farmaajo
Sii,hayaha Madaxwaynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 8 February, wuxuu dhowr jeer ku baaqay shir in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si looga tashado arrimaha doorashada dib u dhacday.
Tan iyo dhammaadkii bishii January, Madaxweyne Farmaajo ayaa 4 jeer shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, balse dhammaan shirarkaas ma qabsoomin oo way beeqdeen. Midkii shanaadna xalay ayuu madaxweynaha ku baaqay, balse lama hubo in uu qabsoomi doono.
30 bishii January, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka.
Kulankaasi waxaa ka qeyb galay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha, Qadar iyo Turkiga.
Maalinkii uu kulanka dhacay ka dib, isla habeenkii, wuxuu madaxwayne Farmaajo ku baaqay kulan ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka.
Markii mudda xileedkii sharciga ahaa ee madaxwaynaha uu dhamaaday 8-dii bishii February, waxaa sii kordhay walaaca laga qabo doorashada.
9-kii bishii February, wuxuu mar kale madaxwaynaha ku baaqay in shir la isugu yimaado si loo dhameystiro heshiiyadii doorashada. Laakiin shirkaas ma qabsoomin.
22-kii February – wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan in ay ku heshiiyaan doorasho loo qabto “sida ugu dhaqsiyaha badan”.
Isla maalintaas 22-kii February, warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, waxaa lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu ku baaqayo in shir doorashada looga hadlayo la isugu yimaado.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Garowe, waxaana ka dhashay khilaaf, mana qabsoomin oo wuu baaqday.
Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan shir ay beesha caalamka qabato kana dhaca xerada Xalane.