23″ May”2022″ https://Thehill.com/
Khabiir ku taqasusay cudurrada faafa oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in faafitaankii ugu dambeeyay ee cudurka daanyeerka laga yaabo in lagu macneeyo gudbinta galmo ka timid laba roos oo dhawaan ka dhacay Yurub.
David Heymann, oo guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen kooxda la-talinta Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO oo looga wadahadlayay hanjabaada faafitaanka furuqa daanyeerka , ayaa u sheegay Associated Press in raves-ka lagu qabtay Spain iyo Beljamka ay yihiin aragtida hormuudka ah ee lagu sharraxayo faafitaanka cudurka Monkeypox
“Aad ayay suurtogal u tahay inuu jiro qof cudurka qaaday, oo ka soo gaaray nabarro xubnaha taranka, gacmaha ama meel kale, ka dibna u faafiyay kuwa kale marka ay jirto galmo ama xiriir dhow, jireed,” ayuu yiri Heymann. “Ka dibna waxaa jiray dhacdooyin caalami ah oo abuuray faafitaanka adduunka oo dhan, gudaha Mareykanka iyo dalalka kale ee Yurub.” Heymann wuxuu faafitaanada ugu yeeray “dhacdo random”
Faafitaanka Busbuska daanyeerka ayaa wali isha lagu hayaa iyadoo, kiisaskii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo Yurub ay walaacdhaliyeen
Belgium, oo ah goobta mid ka mid ah raves, ayaa dhaqan gelisay karantiil seddex toddobaad ah oo qasab ah bukaannada la xaqiijiyay,
laakiin Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuusan fileynin in Mareykanka uu ku dayan doono. Heymann, oo sidoo kale ah borofisar ku takhasusay cudurrada faafa ee Iskuulka London ee Nadaafadda iyo Daweynta Kulaylaha, ayaa sidoo kale tilmaamay tallaalka furuqa, kaas oo la muujiyay inuu aad waxtar ugu leeyahay infekshanka daanyeerka.
Jarmalku wuxuu leeyahay afar kiis oo la xaqiijiyay oo lala xiriiriyay soo-gaadhista xafladaha “halkaas oo falgal galmo ka dhacay” jasiiradaha Canary ee Spain iyo Berlin, AP ayaa werisay.
“Qaar badan oo ka mid ah warbixinnadan caalamiga ah ee kiisaska busbuska ayaa ka dhacaya gudaha shabakadaha galmada,” ayay tiri Inger Damon, oo ah maamulaha Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada qaybta cilmi-baarista poxvirus, oo ay ku jiraan busbuska.
Si kastaba ha ahaatee, bixiyeyaa犀利士 sha daryeelka caafimaadku waa inay ka digtoonaadaan finan kasta oo leh astaamo lagu garto busbuska. Waxaan ka codsaneynaa dadweynaha inay la xiriiraan bixiyehooda daryeelka caafimaadka haddii ay qabaan finan cusub oo ay ka walaacsan yihiin bus-buska,” ayay tiri.