Galmudug & K/galbeed oo soo gabagabeeyay doorashada kuraastii ku harsaneeyd

15″ MARCH 2022″‘SONNA

DARAJAAD HOSPITAL DARYEEL CAAFIMAAD U DOONO

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu doortay 3-dii kursi ee u dambeysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada la doortay, isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeynt壯陽藥 ii, Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka.

Koonfur Galbeed oo soo gabagabeysay doorashada xubnaha ku metelaya BFS

Baarlamaanka K/ galbeed

Maanta oo ku asteysan maalintii loo qorsheeyey in lasoo gaba-gabeeyo doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee 15-Mach – Koonfur Galbeed ayaa soo gabagabeysay doorashada dhamaan xubnaha baarlamaanka ee dowladda dhexe ku metelaya deegaanada maamulkaas.

Waxaa maanta Baydhaba lagu qabtay doorashada 7-dii kursi ee u dambeysay xubnaha golaha shacabka ka soo gelaya Koonfur Galbeed.

Kursigii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ka mid ah kuraasta maanta lagu doortay Baydhaba waxaana ku guuleystay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudigga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqadir Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Gudigga amniga doorashooyinka Qaranka Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa guul ku tilmaamay in kuraastii Koonfur Galbeed ee Golaha shacabka lasoo gabgabeeyo.

Xubnihii maanta la doortay iyo kuraasta ay ku kala guuleysteen ayaa kala ah:

1. HoP# 172 Gen.  Mahad Cabdiraxmaan Aadan

2. HoP# 179 Maxamed Keeroow Maxamed

3. HoP# 181 Maryan Macalin Isaag

4. HoP# 197 Cumar Cali Balash

5. HoP# 164 Maxamed Abuukar Cabdi

6. HoP# 047 Xaawo Cali Sonkor.

Sidoo kale kursiga HOP#204 oo maanta uu ku soo baxay Isxaaq Cali Subug ayuu guddiga doorashooyinka heer federaal diiday natiijadiisa hordhaca ah.