Galmudug : Maxkamad soo faragalisay khilaafka Qoor Qoor Iyo Cali Ciid

9- September-2023- Dhuusamareeb”

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa qaaday tallaabo u muuqata mid faragelin ku sameeyneysa khilaafka soo dhax galay madaxda ugu sareya maamulka Galmudug Dheeho.com

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Galmudug, taas oo u dhexeyso madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Warqad kasoo baxday xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud, Axmed Salaad Kulane ayaa waxaa waaran soo qabasho ah loogu jaray 4 kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, ee garabka taageersan madaxweyne ku xigeenka gamudug oo shalay doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa ku qabsaday magaaladaasi.

Xubnaha la amray in lasoo xiro ayaa waxaa ku jiro guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay shalay iska dhex doorteen afartaasi xubnood, waxayna kala yihiin Cabdinaasir Maxamuud, Maxamed Xasan Nuur, Jaamac Cabdullaahi Cabdulle iyo Axmed Cabdisalaan Cabdi oo dhammaantood ka tirsan golaha deegaanka Caabudwaaq.

Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay eedda loo haysto xubnahaan ayada oo sheegtay inay ku xadgudbeen sharciga dowladaha hoose ee Galmudug

Tallaabada ay qaaday maxkamadda ayaa kusoo aadayo, xilli madaxweyne ku xigeenka khudbad uu ka jeediyay doorashadii ka dhacday Caabudwaaq uu ku weeraray kooxda madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka arrimahaha gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Leave a Reply