Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Farxaan Cali Maxamuud ayaa soo saaray wareegto lagu dhaqan Galinayo Canshuuraha NGO_da ka shaqeeya Deegaanada Galmudug.

Dhammaan Hey’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ayaa la faray iney dhaqan galiyaan Canshuuraha ku waajibay Shaqaalahooda, Gawaarida iyo Guryaha u kireysan, Qandaraasyada ay siiyaan Shirkadaha iyo qidmadaha cashuureed ee ka waajibay mucaamilaadka wax iibsi ee ay la sameeyaan Bulshada

Amarka wasiirka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono hay’adaha aan u hoggaansamin awaamirta, waxaana uu ugu baaqay in ay dhaqan galiyaan amarada kasoo baxaya wasaaardda maamliyadda.
Degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka howl gala shirkado iyo NGO-yo kal duwan, waxaana la sheegay in qaarkodf aysan sida la rabay u bixin canshuuraha
