Friday “27” Aug”2021″ Mudug
Maamulka Galmudug ayaa beeniyay in lagala wareegay deegaano ka tirsan Koofurta Mudug oo ay hore uga qabsadeen dagaalamayaasha Alshabaab.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wareysii siiyay warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in ururka Alshabaab ay dib ula wareegeen deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Axmed Shire Falagle Wasiirka warfaafinta壯陽藥 ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa dacaayad ah oo Alshabaab ugu talo galeen in ay ku niyad jabiyaan shacabka Galmudug iyo dedaalada socda.
“Ma jirto sabab ay ciidamada Galmudug uga soo baxaan magaalooyinka ay qabsadeen waxana ay hadda ku howlan yihiin sidii ay ciidamadu horay ugu socon lahaayeen.”ayuu yiri Wasiir Falagle.
Warar soo baxay shalay ayaa sheegayay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne, Qeycad iyo Shabeelow.