DHUUSAMAREEB-
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo kula saxiixatay Shirkadda Oriental Terminal oo ah Isbahaysi ka koooban Seddex Shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa heshiiska u saxiixay Galmudug, waxaana heshiikaas uu ka dambeeyay, kadib markii kulamo kala duwan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas la qaateen shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda,
Xayeeysiin”
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madasha saxiixa heshiiska Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug.
Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta Dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & Bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka Wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.
“Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo uu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah” ayuu yiri Wasiir Cabdisaabir Nuur Shuuriye
Xayeeysiin