Tuesday ” 24″ Aug “2021” Galmudug
Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa Is-miidaaminta ahaa ku bilowday ee Al-shabaab saakay ku qaadeen Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug, kadibna uu xigay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay iska difaaceen weerarkii uga yimid Al-shabaab ee lagu qaaday Camaara.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada huwanta ay khasaaro gaarsiiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana raggii soo weerartay duqeyn dhinaca Cirka lagu dilay, taasoo lagula beegsaday duleedka Magaalada.
Wasiir Axmed Falagle ayaa tilmaamay in Shabaabka ay wateen laba gaari oo mid lagu soo raray xoolo oo lasoo geliyay Caamara, wuxuuna beeniyay Wasiirka in Ciidamada laga qabsaday Mag犀利士 aaladaas iyo gaadiid nooca dagaalka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dad shacabka ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Galmdug in waxyeelo ay dagaalka uga gaartay meel ku dhow Saldhig Ciidanka ay ku leeyihiin Camaara, isla markaana goobta ay yaalleen gaadiid qaarkood haleysan, isagoona xusay in xaaladda haatan ay tahay mid degan.
Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidanka Galmdug ay ka qabsadeen 12 kamida ah yihiin Tikniko, halka 2-da kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, kuwaasi oo yaalla gudaha Saldhiga Ciidamada, ayna la wareegeen Magaalada.