Galmudug oo Kulmisay Madax Is Diidaneeyd

DHUUSAMAREEB

Kulan hordhac ah ayay isugu yimaadeen madaxweynaha soomaalia maxamed c/laahi farmajo iyo madaxda maamul goboleedyada ka dib markii ay isugu tageen magaalada dhuusamareeb oo xarun u ah maamul goboleedka galmudug.

Faah,faahin badan laga ma hayo waxyaabihii ay island soo qaadeen itii uu socday kulanan OK hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

Haseyeeshee madaxtooyada villa somalia war laga soo saartay ayaa lagu sheegay

In Kulankan uu ahaa mid ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan

Horey ayay maamulgoboleedyada u gaareen heshiis 4 qodob oo ku saaabsan arimaha doorasha iyaga OK ugu baaqay dowlada fadaralka in ay ku raacdo si loo badbaadiyo dalka oo ay muuqato in uu wajahayo daganaasho LA,aan siyaasadeed

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

Leave a Reply