Galmudug oo shaacisay shan kursi oo ka mid ah Aqalka hoose

Thursday ” 18″November”2021-DHUUSAMAREEB

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horreysa loolanka kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa, sida lag壯陽藥 u sheegay bayaan kasoo baxay guddigaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay inay dar-dargalinayaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaankaa Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doonno 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu wahadallo ku saabsan geeddi-socodka doorashada kula yeeshay guddiyada doorashada ee heer Federal iyo heer maamul Goboleed iyo madaxda maamulka Galmudug.

Leave a Reply