Galmudug oo Gacanta ku dhigtay Gaari xamuul ah oo saanad aad u badan siday Alshabaab.

壯陽藥 vid-red-color has-text-color has-huge-font-size”>20 October-2023

Deegaanka Dawacooley oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayey ka qabteen Gaari xamuul ah oo saanad aad u badan siday Alshabaab.

Ciidanka amniga ee ku sugay magaalada Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen kooxaha Khawaarijta.

Khawaarijta oo helay xogta ah in saanadooda gacanta lagu dhigay ayaa isku dayay in ay weeraraan ciidan deegaanka Balse cashar ayaa loo dhigay waxaana laga dilay 3 ka mid ah khawaarijtii weerarka soo qaadday.

Sawiradani waa qayb kamid ah shidaalka iyo raashinka la qabtay ee khawaarijta loo wadey, waxaana go’doon adag uu saaran yahay deegaanada Argagaxisadu maamusho ee Galgaduud.

Leave a Reply