Gambia fadeexad ku saabsan sharoobada qufaca: Booliiska ayaa baaraya dhimashada lala xiriirinayo daawada Hindiya

9″ October “2022” BBC

Gambia fadeexad ku saabsan sharoobada qufaca: Booliiska ayaa baaraya dhimashada lala xiriirinayo daawada Hindiya oo galaaftay nolosha caruur badan oo reer Gambia ah

Madax sare oo ka tirsan Hay’adda Xakamaynta Dawooyinka iyo Ganacsatada soo dejisa ayaa loo yeeray si ay u wajahaan su,aalo ku saabsan sharoobada, iyadoo In ka badan 16,000 oo badeecooyin shirkada sharoobada soo saartay loo qaaday in la burburiyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Laanqayrta Cas.

Madaxweyne Adama Barrow ayaa laalay shatiyada shirkadihii la tuhunsanaa in ay Sabab u ahaayeen keenista sharoobooyinka wasaqeeysan ee India waxana uu ku dhawaaqay baaritaanka degdeg ah oo boolisku ku dhaqaaqo iyadoo la raadinayo magdhowka qooyasaskii caruurtoodu ku geeriyoodeen sharoobada Hindiya-kadib markii dadka reer Gambia oo ka xanaaqsan waxa dhacay ay is weydiinayeen yaa eedda Iska leh?

Dawooyinka- Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup – waxaa soo saartay shirkad Hindi ah, Maiden Pharmaceuticals, taas oo ku guuldareysatay inay bixiso dammaanad ku saabsan badqabka dawooyinkooda WHO ayaa tiri khamiistii

Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale baaraysa Shirkadda soo saartay sharoobadan lagu hoobtay iyadoo masuuliyiinta shirkada ay ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan codsi ay BBC-du u jeedisay oo ahaa in ay faallo ka bixiso sababta isku xireeysa sharoobooyinkooda iyo dhimashada caruur badan oo African ah

Saraakiisha caafimaadka ee Gambia iyo shaqaalaha Laanqayrta Cas ayaa hadda u dhaqaaqay baadigoob guud iyaga oo tagaya farmashiyeyaasha iyo suuqyada, oo la baahiyay ogeysiin ku aadan sharoobada iyo dawooyinka kale ee shirkada si loo burburiyo.

Madaxweyne Barrow oo khudbad u jeediyay shacabkiisa ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay sharoobada Hindiya isaga, oo sheegay “in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii ay cidii ay ku cadaato in ku lug lahayd dawooyinka wasakhaysan ee Hindiya in dalkiisa la soo galiyo

Waxa uu ku dhawaaqay qorshayaal lagu furayo shaybaar awo犀利士 od u leh in lagu baaro in dawooyinka ay badbaadsan yihiin iyo in dib u eegis lagu sameeyo sharciyada iyo hab-raacyada daawo soo dejinta dalkiisa

Waxa kale oo uu sheegay in “Tirada dhimashada carruurta ee 66 aysan wax badan ka duwanayn xogta la diiwaan geliyey xilliyadii hore”oo keentay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ay u maleeyeen in dhimashada ay tahay mid caadi ah.

Leave a Reply