Gambia oo dacwad ku soo oogaysa shirkadda Hindida ah ee soo saartay sharoobo sababtay dhimashada caruurta dalkaas

21″ December “2022

Guddi baarlamaani 犀利士 ah oo Gambia ku sugan aya ku taliyay in dacwad lagu soo oogo shirkadda Hindida ah ee soo saarta sharoobada qufaca ee looga shakisan yahay inay sababeen dhimashada ugu yaraan 70 carruurta dalkaas ah

Guddiga ka tirsan baarlamaanka Gambia wuxuu sheegay in “ay ku qanacsan yihiin in Maiden Pharmaceuticals [ay] dambiile tahay iyo in lagula xisaabtamo dhoofinta waxa ay ugu yeereen dawooyinka wasakhaysan”iyadoo shirkada Maiden Pharmaceuticals ay diiday eedeymaha.

Baaritaano todobaadyo socday ka dib, guddiga baarlamaanka Gambia ayaa hadda ku taliyay in dowladu ay qaado tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan in laga mamnuuco dhammaan alaabada dawooyinka Maiden ee dalka iyo in tallaabo sharci ah laga qaado shirkadda si magdhow loo siiyo qooysaskii ay carurtoodu u dhinteen sharoobada aawgeed

“Natiijooyinka ayaa la mid ah warbixinadii hore ee tilmaamaya in Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Qufac Syrup iyo Magrip N Cold Syrup ay ku wasakhoobeen diethylene glycol iyo ethylene glycol,” guddiga baarlamaanka ayaa ku yiri warbixintooda.

Diethylene glycol iyo ethylene glycol waxay sun u yihiin bini’aadamka waxayna noqon karaan kuwo dilaa ah haddii la isticmaalo. Laakiin guddiga ayaa intaa ku daray in sababta dhabta ah ee cilmiyaysan ee dhimashada carruurta ay weli ku socoto baaritaan.

Guddigu waxa kale oo ay doonayeen in Hay’adda Xakamaynta Dawooyinka ee dalka ay xaqiijiso in dhammaan dawooyinka dalka la soo geliyo ay si sax ah u diiwaan gashan yihiin, isla markaana ay baadhitaanno taariikhi ah ku sameeyaan shirkadaha soo saarayaasha – oo ay ku jirto in ay soo booqdaan xarumahooda.

Warbixintu waxa kale oo ay daaha ka rogtay habacsanaan dhanka caafimaadka ah oo dalka ka jirta iyadoo lagu booriyay dawladda inay xoojiso oo qalab iyo dawooyin ka wanaagsan la gaadhsiiyo cusbitaalada dalka.

WHO ayaa bishii Oktoobar soo saartay digniin ay kula talinayso maamulayaasha inay joojiyaan iibinta sharoobada iyadoo Sarkaal Hindi ah uu si jees,jees ah todobaadkii hore u sheegay in WHO ay “ku faantay” inay eedaysay sharoobada-shirkada Maiden Pharmaceuticals

Leave a Reply