7- March-2024- BBC
Ganacsatada Soomaalida ah ee ku waddanka Koonfuta Sudan ayaa aqbalay in ay yareeyaan sicirka shidaalka oo ah 2,200 oo pound oo lacagta dalkaas ah, iyaga oo ka dhigay 2,000 oo poud. Qiime dhimista ayaa lagu heshiiyay kadib shir ay la yeesheen maamulka Shirkadda Nile Petroleum.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee waddanka Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay in ay leeyihiin kaalimaha shidaalka ee ugu badane e ku yaalla waddanka Koonfurta Sudan.
“[Caasimadda] Jubba… boqolkiiba sagaashan kaalimaha ku yaal Soomaali baa leh,” ayuu BBC da u sheegay Siciid Jaamac oo ah guoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
Labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku heshiiyeen hoos u dhigista nooc kamid ah shidaalka oo uu qiimo korokiisa sababay lacagta waddankaas oo sicir barar ku dhacay.
Dhanka kale ganacsatada ayaa sheegay in ay haatan u madlan yihiin kulan ay la qaadan doonaan wasaaradda Maaliyadda ee dalka Koonfur Sudan, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo sidoo kale Wasaarada Ganacsiga.
Kulamadaas ayuu sheegay in ay daaran yihiin sidii ganacsatadaan iyo dawladda ay wadashaqayn u yeelan lahaayeen.
“Intaaba waxaan kala hadlaynaa oo muhiim ah…sidii aan duruufaha jira wax uga qaban lahayn,” ayuu u sheegay BBC da.
‘Soomaalida waa laga jecelyahay Koonfur Sudan’
Soomaalida ayaa caan ku ah ganacsiga, iyaga oo wadamo badano o ku yaalla Afrika ee ay ganacsiyo ku leeyihiin qaarkood kala kulmo dhibaatooyin ay ka mid ihiin dil, dhac iyo cunsuriyeyn.
Koonfur Afrika ayaa ah waddanka ugu ee Soomaalidu ay kala kulmaan ficiladaas. BBC da ayaa marar kala duwan sanadkii la soo dhaafay tabisay dhacdooyin aysan mahdin dadka halkaas ku nool oo ay la kulmeen dad ganac sato u badan.
Laakiin marka la jogo Koonfurta Sudan xaalku sidaas waa uu ka duwan yahay, sida uu noo sheegayo Siciid Jaamac Muuse – gudoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan.
“Soomaalidu waa jaaliyadda loogu jecel yahay dalkaan, waxyaabaha lagu amaano waxaa ka mid ah amaanada iyo sida ay dadka ula dhaqmaan,” ayuu BBC da u sheegay Siciid.
Inkasta oo uu calays dhaqaale ka jiro dalka, hadana waxa uu sheegay in ay mar walba xal raadiyaan oo isku dayaan in ay lacag adag ka heleen bangiyada ganacsiga ah iyo hay’adaha ay wax ka iibiyaan intaba.
”Dawladdu marka ay lacag soo deyso oo kale Soomaalidu qayb waa ay ka helaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Siciid.
Waddankaan curdinka ah ayaa la daalaa dhacaya dhibaato ka haysata dhinaca lacagta adag ee wax looga iibsado gudaha dalka.
Siciid ayaa BBC da u sheegay in sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagtu uu aad u sameeyay dalka oo dhan, shidaalkuna ka mid yahay waxyaabaha uu saameynta ku yeeshay.
Waxa uu sheegay in Soomaalidu ay gacanta ku hayaan inta badan kaalimaha shidaalka, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa shidaalka soo gala dalka oo dhan.
“[Shidaalka] Nairobi ka imaanaya iyagaa gacanta ku haya, cid kasta oo soo gashana waxay hoos timaadaa Soomaalida,” ayuu BBC da u sheegay Siciid.
Ganacsatada ayuu sheegay in ay shidaalka siiyeen dhamaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaan intaba.
Ugu yaraan tobankii sano ee la soo dhaafay ayaa waddanka Koonfurta Sudan waxa uu noqday mid ganacsigiisa ay laxaad ku yeesheen bulshada Soomaalida. Waxay inta badan ku jiraan ganacsiyo ay ka mid yihiin shidaalka, dhismaha iyo raashinka, sida uu noo sheegay gudoomiyaha ganacsatada Soomaalida. Waxa kale oo jira ganacsi kale oo la xiriira daabulaada alaabaha oo ay qayb libaax ka ciyaaraan.