30″ May”2021″ Sunday” Kampala
Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda
Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Safiirka Jamahuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ee Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxmuud (Cali Cagabaruur) ayaa lagu qabtay Magalaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda. Munaasabadaan ayaa si heer sare ah loo so agaasimay waxaa so qaban qaabiyay qaar ka mid ah Ganacasatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda.
Ugu horreeyn Ganacsatadan Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda iyagoo uga mahad celiyay hawlaha iyo adeegyada baaxadda leh ay Safaaradda Soomaaliya u heyso Ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda.
Sidoo kale Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Amb. Cali Maxmed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa ganacsatada uga war bixiyay Hawlaha iyo adeegyada ay Safaaradda Soomaaliya u heeso Bulashada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda.
Xayeeysiin
Sidoo Safiirka ayaa ka dhageegsatay Cabashada iyo dhibaatoyinka ay wajahayaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Uganda asigoo Ballan qaaday in Safaaradda ahmiyad gooni ah siin dooonto Ganacasata Soomaaliyeed ee Dalka Uganda.
Ugu dambeyntii Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed wax qabadkooda, asigoo ku booriyay in la muujiyo isku xirnaan sidoo kaleane ay Safaaradda iyo Ganacsatada ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.