Ganacsiga Soomaaliya ayaa maalintii sadaxaad hakad ku jira maanta oo Talaado ah ah

20″Aug”2024″ Bloomberg

Ganacsiga Soomaaliya ayaa maalintii saxaad hakad ku jira maanta oo Talaado ah Iyadoo ganacsatadu ay ka mudaaharaadayeen canshuurta iibka, dib u habeynta muhiimka ah ee dowladda Geeska Afrika oo 100 milyan oo dollar ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Canshuurta lagu daray 5% ee qiimaha leh, oo dhaqan gashay 18-kii Agoosto, ayaa laga qaadayaa badi badeecadaha iyo adeegyada, oo ay ku jiraan bangiyada.

Arintan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu dib u dhiso dhaqaalaha ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka socday in ka badan sodon sano iyo mucaaradka Al-Shabaab oo ah koox argagixiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Dibadbaxan ayaa sababay in la xiro baqaarada waaweyn ee Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn caasimadda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ee curdanka ah ayaa ku tiirsan canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada magaalada si ay u maalgeliyaan waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan maadaama aysan jirin wax canshuur ah oo ay ka qaadaan gobollada kale.

Waxay sidoo kale ku xiran tahay ciidamada Midowga Afrika inay ilaaliyaan nabadda meelaha ay ka taliyaan ee ka baxsan caasimadda.

“Shacabka shaqa joojinta waa ay sii socon doonaan ilaa ay dowladdu wax ka qabato cabashadayada iyadoo la dhimayo ama gabi ahaan lagala laabanayo canshuurta,” ayuu yiri Maxamed Xasan oo ah bakhaar ku leh suuqa Bakaaraha.

Soomaaliya waxay IMF ka heshay xarun deyn oo la fidiyey bishii Disembar.

Waxa ay doonaysaa in ay horumariso sharciga cashuuraha dakhliga oo cusub oo ay kor u qaado ururinta dakhliga ee hoos yimaada barnaamijka.

Dalka ay dagaaladu aafeeyeen ayaa sidoo kale heshiis lagu kansalay 4.5 bilyan oo dollar oo dayn ah la gaaray deyman bixiyayaasha caalamiga ah dabayaaqadii sanadkii hore.

Sida ku cad heshiiska, waajibaadkeeda dibadda ayaa la saadaaliyay in ay hoos uga dhici doonaan 6% wax soo saarka guud sanadka 2023, marka loo eego 42% markii hore, sida ay sheegeen IMF iyo Bangiga Adduunka.