War murtiyeed Laascaanood: waxa uu caddaynaynaa in aan sinnaba uga mid ahayn Somaliland”

6″ February “2023

Wa壯陽藥 r murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii maalmihii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood ugu socday Isimada dhaqan ee goboladda SSC.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland” ayaa lagu yiri War murtiyeedka

Sidoo kale Bayaanka ay soo saareen Hogaanka dhaqanka ayaa lagu sheegay ineysan ka tirsaneyn Somaliland.

“Waxa aan caddaynaynaa in aan sinnaba uga mid ahayn Somaliland, kana tirsanahay dhul jamhuuriydda Soomaaliyeed. SSC waxa lagu dhaqayaa xeerarka DFS.” Ayaa lagu yiri war-saxafadeedka.

Ka dib warmurtiyeedka Dhinaca maamulka muuse biixi ayaa sheegtay khasaaraha 12 askari oo uu ku jiro Gaashaanle dhexe Axmed Faarax Dacar, Abaanduulihii Guutada Dhufsade, ayaa ku geeriyooday dagaalka saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, .

Garaad Jaamac oo shacabka Laascaanood ugu baaqay inay dhulkooda difaacdaan

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah dhaqankii ku shirsanaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka  Sool ayaa shacabka Magaaladaasi ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan dagaalka saaka ka socda Laascaanood.

“Ninka Walaaladiisa la dilayo daawanaya ee amarka sugaya waa fulay, dagaalka gala oo dadkiina difaaca ,dhiigiina difaaca oo Magaaladiina difaacda” ayuu yiri Garaadka.

Xalaada Magaalada Laascaanood ayaa saaka kacsan waxaan dagaalku u dhaxeeyay shacabka Magaaladaasi iyo ciidamo ka tirsan Soomaliland.

Dagaalka saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Leave a Reply