Garaadada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mowqifka dawladda uu hoggaaminayo ee ku aadan qadiyada deegaanada SSC

7″ February “2023” Laascaanood

Garaadada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mowqifka dawladda uu hoggaaminayo ee ku aadan qadiyada deegaanada SSC Dheeho.com

Madax dhaqameedyada ku shiray Laascaanood ayaa amaanay Madaxweyne Somalia Xasan shiikh Maxamuud oo hadalkiisa ku aadan xiisada ka taagan gobolka Sool ay ku jirtay” Inaaney Suurtagal ahayn rabitaanka dadka in qori lagu xaliyo” Madaxweynaha ayaa yiri” Rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,”

Garaadada beelaha ku shiray xarunta gobolka Sool sidoo kale waxay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin taageerada Go,aanadooda kadib cadeeynta Mowqifka dowlada fadaraalka Somalia ee ku aadan Miraha Shirkoodii Laascaanood

Wasiirka Arimaha gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi oo shir-jaraa,I’d ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay In dowlada Somalia ay soo dhaweyneeyso go,aamada rabitaanka dadka reer Laascaanood, kuwaas oo kala qaybsanaantoodii hore ay ka dhigtay deeganadooda kuwo ay ku muransan yihiin maamulada Somaliland iyo Putland

Leave a Reply