Gargaarka deg deg ah oo la gaarsiiyay Guriceel

27″ Wednesday “October” 2021″ Guriceel

Galmudug oo Amartay in loo gurmado dadkii ka barakacay Guriceel

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa furay Shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee Galmudug oo maanta ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo aay soo qaban qaabisay Wasaarada arimaha gudaha Galmudug waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta adeegyada bulshada, soo bandhigidda caqabadaha iyo fursadaha shaqo ee jira iyo hirgalinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowlada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku amray wasaaradaha Galmudug in aay gargaar la gaaran Dadka ku barakacay Guriceel ayago kashanaya Gudiga heer Wasiir ah oo uu magacaabay madaxweynaha Galmudug.

Sido Kale Madaxweyne kuxigenka Galmudug waxa uu faray Dagmoyinka Galmudug in ay ka so qayb qataan Gurmadka loo fidinayo Guriceel

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS oo gargaar deg deg ah u dirtay Guriceel

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgallo ku saabsan dib u soo celinta magaaladda.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in gargaarkan oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgalladii ka socday maalmahi lasoo dhaafay magaalada.

Leave a Reply