Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
2″ April “2022” SOURCE: REUTERS
Kolonyo gargaar ah ayaa galay dhulka Itoobiya ee ay maamulaan ciidamada Tigray-gu markii ugu horreysay muddo 3 bilood ah – WFP.
Baabuur siday gargaar ayaa galay dhulka Itoobiya ee ay maamulaan ciidamada Tigreegu markii ugu horreysay tan iyo 15-kii December, sida ay Twitter-ka ku sheegtay hay’adda cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay.
QM ayaa sheegtay in in ka badan 90% 5.5 milyan oo Tigray ah ay u baahan yihiin gargaar cunto.
Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa dilay kumannaan qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxa uu boqolaal kun qarka u saaray macaluul tan iyo markii uu billowday Noofambar 2020.
Dagaaladii sokeeye ee 16-ka bilood socday, ciidamada Itoobiya iyo askarta xulafada ah ee ka soo jeeda dalka ay jaarka yihiin ee Eritera waxay geysteen tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin jirdil, kufsi hub ah iyo dilal qorsheysan oo loo geystay dadka Tigrayga ah.
Dagaalyahanada daacada u ah ururka Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay dileen dad rayid ah iyo in ay kufsadeen daraasiin haween ah iyo gabdho aan qaangaar ahayn gudaha magaalooyinka gobolka Axmaarada ee Itoobiya, sida ay sheegtay Amnesty International.